Warmoley
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo koontarool ku sameyn doonto dawada xoolaha – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in lala socdo Dawooyinka xoolaha ee dalka la soo galinayo si looga fogaado cudurada aan la aqoon ee ku dhacay Xoolaha dalka.

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdinaasir Maxamed Gaarane ayaa sheegay in Wasaaradda ay xoogga saari doonto sidii loo koontarooli lahaa dawada xoolaha oo uu sheegay in ay dhibatooyin badan ay ka dhasheen dawo dhacday oo xoolo lagu duray, taasi oo saameyn ku yeelatay dad xoolo dhaqato ah.

“Waxaan qorsheyneynaa in aan iska kaashano Wasaaradda Ganacsiga oo aan koontaroolno wixii dawo ah ee soo galaya dalka, iyadoo aan la kaashaneyno dhaqaatiir dhanka daawada Xoolaha ku taqasusay ay howshaasi ka qeyb qaadan doonaan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha ayaa intaa ku daray in Wasaaraddu ay diiwaan gelin doonto shaqaalaha ka howlgalla xarunta Wasaaradda si loo kala saaro qofkasta waxa uu taqasus u leeyahay, taasi oo uu ku tilmaamay inay horseedi karto in shaqaalaha Wasaaraddu ay awood u yeeshaan la socodka daawo kasta oo dalka soo galaysa.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR