Warmoley
Kulan looga hadlayay xoojinta amiga oo lagu qabtay magaalada Jowhar – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe ayaa ka warbixiyay kulan ay kaga hadlayeen xaaladda amni ee gobalka, kaas oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan maamalka.

Afhayeenka Maamulka goballka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji ciirro ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray adkeynta nabadgelyada gobolka, isla markaana ay ciidamo dheerad ah geeyen meelaha laga soo galo magaalada oo dhan, si loo xoojiyo amniga degmada Jowhar oo ah halka ay ka socoto shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Afhayeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in ay socdaan howlihii shoqo ee shirka maamul u sameynta labada gobol, waxa uuna intaa ku daray in ay jiraan musharaxiin ku qul qulaya magaalada Jowhar, si ay kulamo ula qaataan qeybaha bulshada ee gobolka ku sugan.

Kulamadan looga hadlayo ammaanka gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay qeyb ka yihiin dadaallada uu maamulka Gobolka ugu jiro adkeynta amniga goobaha ay deganyihiin ergada ka qeyb galeysa shirka.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar