Warmoley
Cillad ku timid diyaarad uu saarnaa madaxweynaha Soomaaliya »
Madaxweynha Soomaaliya (Afgooy) Diyaaradii siday madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhawayd soo caga dhigatay gagida diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde,dib usoo noqoshada diyaaradda madaxweynaha ayaa la sheegay iney ka danbeysay kadib markii ay cillad ku timi diyaaradda.
Markii ay waftigu soo gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbaahinta shir Jaraa’id oo uu kaga warbixinayo sababaha ay diyaaraddu dib Muqdisho ugu soo laabatay u qabtay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Yariisow.
Inj. Yariisow ayaa sheegay in markii diyaaradu ay ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho 20 daqiiqo dabadeed uu duuliyaha diyaaraddu waftiga madaxweynaha ku wargeliyey iney jirto cillad ku timi diyaaradda,wuxuuna sheegay in Duuliyuhu uu sheegay ineysan suurta gal ahayn in diyaaradu ay Duulimaadkeeda sii wadato,wuxuuna u sheegay waftiga iney muhim tahay in diyaaradda Muqdisho lagu soo celiyo si loo cillad bixiyo.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Inj. Yariisow ayaa sheegay in waftiga madaxweynuhu ay sii amba qaadi doonaan safarkooda oo ku wajahnaa dalka Koonfurta Suudaan oo uu madaxweynuhu ka helay Casuumaad rasmi ah isla markaane uu kaga qaybgali doono sanad guurada Labaad ee madax.bannaanida dalkaas oo ah dalkii ugu danbeeyey ee kamid noqday ururka Midowga Afrika.