Warmoley
Maraykanka oo ka mahadceliyay sii deynta badmaaxiin Maraykan ah oo ay xireen ciidamada Iran(Sawiro)

Dowlada Maraykanka ayaa u mahadcelisay dowlada Iran sii deynta ay sii daayeen 10 ka tirsan ciidamada badda Maraykanka oo si qalad ah u galay biyaha dalka Iran.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in arrintan ay u tahay marqaati in xalka diblumaasiyada uu ka ciyaari karo door mug leh ammaanka dalkiisa.

Badmaaxiintan ayaa la xirey Talaadadii kadib markii ay labo markab ay saarnaayeen uu mid kamid ah cillad soo gashay iyagoo maraya biyaha khaliijka.

War ka soo baxay ilaalada kacaanka Iran ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay si qalad ah u soo galeen. Ilaalada Kacaanka ayaa intaa ku daray in lagu sii dhex daayay biyaha caalamiga ah kadib markii ay cudur daar ka bixiyeen soo gelitaanka biyaha dalka Iiraan.

Hase yeeshee Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Joe Biden ayaa beeniyay in ay jirtey arrin cudur daar laga bixiyo balse ay cillad ku timid mid ka mid ah maraakiibta ay saarnaayeen badmaaxiinta Maraykanka.

Maraykanka ayaa baaraya sida ay ku dhacday in ay ciidamadan oo ka koobnaa sagaal rag ah iyo haweeney ay gudaha ugu galaan badda Iiraan.Warbaahinta dowlada Iran ee Irib News ayaa soo daabacday sawirada badmaaxiinta Maraykanka oo xiran.

badmaxin (1)

badmaxin (2)

badmaxin (3)


Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar