Warmoley
Daawo Sawirada '' Dhaqtar Xoog Weyne ah oo Feer ku dilay Bukaan ugu yimid in uu daaweeyo
Dhacdo Argagax leh ayaa ka dhacday magaalada Belgorod ee dalka Ruushka, kadib markii Dhaqtar xoog weyne ah oo ka howlgalayay goob caafimaad oo magaaladaasi kutaala uu feer ku dilay nin bukaan ah oo ugu yimid in uu daweeyo.

Muuqaal lagu duubay caamirada qarsoon ayaa muujineysa dhaqtarka oo Bukaanka u yimid mar qura feer la dhacay, taa oo keentay in ruuxa bukaanka oo ahaa ruux tabar yar uu dhulka ku dhaco sidaasna uu ku geeriyoodo.

Shaqaalha iyo dadkii kale ee ku sugnaa goobta uu falkan ka dhacay ayaa naxtin iyo anfariir ka qaaday falkan uu ku kacay ninkan dhaqtarka ah ee gacantiisa ku dilay nin bukaan ah oo ugu yimid in uu daaweeyo.


















































































Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar