Warmoley
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda oo sanadguurada 46-aad ee hey’adda ugu hambalyeeyay ciidamada – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed oo hambalyo udiray Ciidamada io hawl-wadeenada Hay’adda, sanadguuradda 46-aad ee kazoo wareegtay markii la aas-aasay.

General Cabdiraxmaan Maxed Tuuryare ayaa ku amaanay Ciidamaddii guulihii ay ka gaareen sanadkii tagay dagaalka ay kula jiraan Argagaixisada,sida burburinta Shabakado ka ka hawlgalayay meelo badan oo ka mid ah dalka kuwaas oo dhibaatooyin badan ku hayay dadwaynaha Soomaaliyeed.

Taliyuhu,wuxuu urajeeyaya sanadkaan bilawga ah Hay’adda in ay gaarto guulo ka balaaran kuwii sanadkii hore,wuxuuna ku dhiirigaliyay nuucyada kala duwan ee Ciidamada iyo hawl-wadeenada Hay’adda in ay dhabarka uxirtaan sidii ay uga hortagilahaayeen falalka cadwgu uu ladamacsanyahay shacabka Soomaaliyeed.

Genaral Tuuryare ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ku gacan siiyaan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed gudashada waajibaadkeeda .

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar