Warmoley
Xuska dhalashada Nabigeenna Muxamad (NNKH) oo lagu qabtay Masjidul Towfiiq ee degmada Yaaqshiid – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Munaasabadaaan lagu weynaynayay dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH) oo ay soo qaban qaabiyeen Jameecada reer Sheekh Daa’uud Culosow qeybta masjidul Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ka qeyb galay culimaa’udiin ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, oo uu ka midyahay Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud Sheekh Cismaan Xidig.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa ay culimadii ka qeybgashay oo uu ka midyahay Sheekh Cabdinaasir Cali Mowliid ka sheekeeyeen taariikhda dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH), iyagoo bulshada ugu baaqay inay u istaagaan weyneynta bisha mowliid oo ah bishii u dhashay Nabigeena, isla markaana ay isu gurmadaan Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Shariif Maxamed Maxamuud oo ka mid ah culimadii ka hadashay goobta ayaa sheegay in ujeedka xafladda ay tahay weyneynta dhalashada Nabigeenna Muxamad, isla markaana ay sanadkasta qabtaan xafladaha lagu weynayo dhalashada Nabigeenna (NNKH).

Sheekh Axmed Macalin Daahir Sheekh oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in faa’iidooyin badan laga helo xuska dhalashada Nabi Muxamed (NNKH), isagoo uga mahadceliyay culimadii soo agaasintay.

Bisha Rabiicul awal oo ah bisha uu dhashay Nabigeena Muxamed (NNKH) ayaa sanadka marka la gaaro laga xusaa dhamaan meelkasta oo ay Muslimiinta ku noolyihiin, taasi oo looga go’leeyahay in markasta la is xasuusiyo taariikhda dhalashada Nabigeena suuban.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar