Warmoley
DAAWO SAWIRADA Madax farabadan oo ku sugan Garoonka cusub ee Boosaaso

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 07-Jan-2016 waxa ay kormeero u kuur gal ah kusoo sameeyey Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha eee Boosaaso oo maalinta berrito ah xadhigga laga jari doono.

Madaxweyn dawladda Puntland ayaa intaanu kormeerkiisa bilaabin waxaa uu salaam sharaf ka qaatay cusubto katirsan ciidanka Pollice-ka Puntland iyo ciidanka Badda Puntland ee PMPF oo salaanta madaxweynaha diyaar ugu ahaa gudaha Gegida Diyaaradaha Caalamiga eeh Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxay socod dheer oo lugu ah ku mareen waddada diyaaraduhu ku ordaan ee “Run way” si indhohooda ugu arkaan shaqada baaxadda leh ee halkaasi laga hirgeliyey.

Kormeerka kadib Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey safiirka Waddanka China u fadhiya Soomaaliya iyo Safiirka Waddanka Talyaaniga u fadhiya waddanka Soomaaliyaa oo labadooduba hal diyaarad saarnaa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka iyo labadii safiir ayaa shir jaraa’id kuqabtay Qaybta Nasashada ee VIP-da shirkaas uu ugu horaynba ka hadlay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynah Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadcliyey Safiirka Talyaaniga sida ay u garab istaageen guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Puntland oo xilli ay u baahnayd ay ka caawiyeen mashaariic muhim ah kuwaas oo uu kamid yahay Telefishka Dawladda Puntland iyo Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso iyo mashaariic kale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahad celiyey Safiirka China iyo shirkadda CCECC sida hagar la’aanta ah ee ay ufulisey shaqadii baaxadda lahayd ee loo igmaday shirkadaaas oo ah mid ay leedahay dawladda China, taas oo habeen iyo maalinba shaqadeeda uwadatey si’aan kala har lahayn.

Geesta kale labada safiir ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo dawladdiisa shaqooyinka iyo mashaariicdan sida ay ugu fuliyeen sidii loogu baahnaa welibana u dar-dar geliyey shaqooyinkaasi ugana ilaaliyeen sidii aanu ugu imaan lahayn wax hakad ah ama dib ugu dhac ah.

IMG_4240IMG_4245IMG_4252IMG_4257IMG_4264IMG_4267IMG_4270IMG_4279IMG_4299IMG_4307IMG_4326 (1)IMG_4328IMG_4360IMG_4363IMG_4368 (1)IMG_4557IMG_4561IMG_4575IMG_4592IMG_4598IMG_4608IMG_4630IMG_4677IMG_4703IMG_4708IMG_4729IMG_4827IMG_4834IMG_4858IMG_4884IMG_4890IMG_4899IMG_4909IMG_4910IMG_4922 (1)IMG_4925IMG_4939IMG_4983IMG_4993IMG_4996 (1)IMG_5002IMG_5011IMG_5019IMG_5027IMG_5052IMG_5067 (1)IMG_5073IMG_5143IMG_5146

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar