Warmoley
Ganacsatada Degmada Xamar Jajab oo laga dalbaday in ay bixiyaan Shatiyada Ganacsiga – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Maamulka degmada Xamar jajaba ayaa ku boorriyay ganacsatada degmadaasi inay goostaan shatiyada Ganacsi, iyada Maamulka uu ka warbixiyay Olale Nadaafadeed oo ka socda degmada.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Xamar Jajab Axmed Cabdullaahi Samoow oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka dalbaday Bulshada Ku nool degmada gaar ahaan kuwa ganacsatada ah in ay bixiyaan shatiyada ganacsiga ee Dowladda hoose si looga maarmo in maalin kasta shacabka Xarumahooda ganacsiga loogu yimaado.

Dhanka kale Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Xamar Jajab ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan Ololaha Nadaafadda Degmada kaas oo lagu Nadiifinayo Dhammaan Waxyaha ay ka kooban tahay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir isla markaana ay fulinayaan Go’aankii Guddoomiyaha Gobolka ee ahaa in laga shaqeeyo Bilicda Caasimadda qof kastana halka uu joogo nadiifiyo.Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan joker