Warmoley
Saldhiggii ugu horreeyay ee Degmada Kaxda oo Xarigga laga jaray – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Munaasabad Xarigga looga jarayay Saldhigga Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay degmadaas, iyadoo ay ka qeyb Galeen Munaasabaddaas Taliyaha Ciidanka Boliiska, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Taliyaha Boliiska Qeybta Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo ka hadlay Munaasabaddaas ayaa sheegay in ka Boliis ahaan ay la shaqeyn doonaan Taliska Saldhigga Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdiraxmaan Kulmiye Xersi ayaa shacabka Degmada Kaxda Waxa uu ka cod saday in ay la Shaqeeyaan Taliska Saldhiggaan Cusub ee degmada si loo Adkeeyo Amniga.

Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Cali Xersi Barre Cali Gaab ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in xarigga laga jaro Saldhiggaan Cusub isla markaana ka talis Boliis ahaan ay la shaqeyn doonaan Maamulka Degmada iyo Taliska Saldhiga degmada Kaxda .

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Cabdiladiif Xasan Badawi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Arrintaa maadaama isagoo cusub lagu guulaystay in xarigga laga jaro Saldhiga degmada.

Odayaasha degmada ayaa dhankooda sheegay in ay Aad ugu Faraxsan yihiin inay yeeshaan Saldhig looga Taliyo Dadka reer Kaxda isla markaana Amnigooda lagu xaqiijiyo.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan joker