Warmoley
Maalintii ugu saameynta Balaarneyd Gudaha Soomaaliya Sanadkii tagay ee 2015-ka (Daawo Sawirada)
Ma jirto maalin la bar-bar dhigi karo oo ka tirsan sanadkii tagey, wey xiisa badneyd saacad kasta oo ka mid ah maalintaasi, dhacdooyin aad u qiima badan ayaa qabsoomay, soo dhaweyn Qaran, is mar xabaysiin Walaaltinimo, Dhagax dhig, ka-qeyb galka Xaflad Caalami ah iyo barnaamijyo kale oo lahaa xamaasad gaar ah ayaa dhacay maalintaasi oo qura.

Waa run sanad walba Hoodiyo Hadimo wuxuu leeyahay waa laga helaayoo hadhow lagu xasuustaa... dabcan si loo helo maalintii ugu Mudneyd sanadkii aynu soo mac-salaameynay ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ee sanadkaasi waxaa la sameeyay RAY'I ururin baahsan, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Diblomaasiyiin, Aqoonyahano, Saraakiil, Duubab Dhaqan, Qurba joog, Saxafiyiin, Haween iyo Dhalllinyaro ayaa si daah furanaan ah looga qaaday xog- ururintaasi.

Nasiib wanaag inta badan qeybihii bulshada ee codkooda bixiyay ayaa si isku dhaw u soo bandhigay in 21-ka Febraayo ay tahay Maalintii Sanadka, qiimaha ay heshay maalintaasi la isagama siinin Deg-deg, Eex, Hibo, Deeq iyo si Laab la-kac ah hase yeeshee waxay ku mutaysatay dhacdooyinkii quruxda badnaa ee malintaasi lagu guulaystay, ICTIRAAFKA la siiyay maalintaan oo lagu naaneyso maalintii DAHABIGA ahayd ayaa sida la isku waafaqay waxay ku heshay:--Dhagax dhigii Akadeemiyo Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA), -Bud dhigii Akadeemiyadaasi oo si wadajir ah ay u dhagax dhigeen labadda Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti, Meel marinta go'aankii ahaa in MUQDISHO laga yagleelo Xarunta Akadeemiyada Aga iyo Hoyashadii Magaalada Muqdisho Madaxweynihii ugu horeeyay tan iyo bur burkii kadib.

Subaxii 21-kii Febraayo markii Cad-ceeda Arooryaad ay soo baxday dabadeed waxaa barqadii maalintaasi garoonka diyaaradaha ee AADAN CADE ka soo degay wafdi balaaran uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle, si loo muujiyo walaaltinimada labadda Dawladood iyo qadarinta uu leeyahay Md, Ismaaciil Cumar ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Md, Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu dhigiisa reer Jabuuti uga hortagey dhabaha dayuuradaha isagoo si Xushmad ay ku dheehan tahay ugu soo dhaweeyay Caasimada Gayigeena, saacado kadib waxay labadda Madaxweyne u soo dhaqaaqeen bartamaha G/Banaadir.

Dhacdadii ugu weyneyd ee maalintaasi waxaa laga oogay Degmada Shingaani halkaasi oo Madaxweynayaashu ay ku dhagax dhigeen Akadeemiyo Goboleedka Afka Soomaaliga oo loo gartay inay Xarunteeda noqoto Magaalada Muqdisho maadama ay magaaladani tahay Hooyadii Afka Soomaaliga, muddo kooban dabadeed Hogaamiyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti waxay u talaabeen (Gudbeen) Hoteelka CITY PALACE oo ay ka dhacaysay Xuska maalinta Caalamiga ah ee loo asteeyay AFKA HOOYO.

Munaasabadaasi oo aad looga soo shaqeeyay ayaa ruux walba oo nasiib u helay inuu ka qeyb qaato waxaaa dareenkiisa soo jiitay AQAL Soomaali lagu diyaariyay ilinka hore ee Hoteelka iyo Agabkiisa oo ka tarjumayay Hidaha iyo Dhaqanka faca weyn ee ummadda Soomaaliyeed, Madashii munaasabadaasi oo aaney jirin wax lala simi karo ayaa goob joog waxaa ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Safiiro, Gudoomiyaha Akadeemiyada Prof Maxamed Daahir Afrax iyo Maqaawiir isugu jirtay Hal-doorka Afka Soomaaliga ee ka kala yimid Wadamada looga hadlo Afkeena iyo qaar ka soo baqoolay Dalalka Yurub, Waqooyiga Ameerica, Austaraaliya iyo Aasiya, khudbadii ay Madaxweynayaasha fagaarahaasi ka soo jeediyeen ayaa ahayd mid aad loola dhacay kadib marki ay balan qaadeen inay noqon doonaan waardiyaha ama Illaaliyaasha Koowaad ee Afka Soomaaliga.

Saacadaha maalintasi oo aan kala dhicin ayaa labeentii iyo ruug cadayaashii Xafladaasi ka soo qeyb gashay waxaa Qado sharaf loogu sameeyay AMIIRA HOTEL, qadadaasi oo hal xiraale ku noqotay aqoonyahankii Ayaanka (Nasiibka) u helay inay ka qeyb qaataan ayaa ahayd mid laga diyaaariyay raashinka Dalkeena ee loo yaqaano WADANIGA,.... XUSUUS badanaa habeenimadii maalintaasi waxaa haddana la isku arkay Xarunta Madaxtooyada ee VILLA SOMAALIYA halkaasi oo iyana loo qorsheeyay inay ka dhacdo sooryadii Casho sharafta maalintaasi taariiqiga ah.

Farxad, Kaftan, Damashaad, Is xog-wareysi, Is barasho iyo kala war qaadasho ayaa dhex martay Madaxdii iyo Aqoonyahankii AGA ee xafladaasi ku kulmay, saqdii dhexe ayaa la isla gaaray, Axdi iyo Balan waxaa lagu galay inaan loo kala harin Xoojita iyo Horumarinta Afka Hooyo, Taaba galinta Akadeeemiyada Aga, iyo sidii loo joogteyn lahaa iska war qabka iyo xiriirka u dhaxeeya Masuuliyiinta Wadamada uu mataaneeyo Afka Soomaaliga iyo Bahda Aga.

Xaqiiqdii 21-ka Febraayo waxaa Maqaamkii ay lahayd sare u sii qaaday culayska ay QARANKOODA ku dhex leeyihiin Mutacalimiintii Aga ee waqtigaasi isaga kala timid Daafyaha kala duwan ee DUNIDA, dhabtii maalintaan wey Itaahishaa in loo aqoonsado inay tahay Maalintii Sanadka maxaa yeelay waa maalin reebtay Taariiq dhaxal gal oo marna aan duugi doonin, Amaan iyo Bogaadin waxaa iyana leh intii suura galisay shaqooyinkii maalintaasi oo la hubo in jiilba jiilka ka dambeeya uu u gudbin doono.















































































Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar