Warmoley
Jowhar oo ka bilaabatay dib u dhiska xarumo muhiim ah

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wada dadaallo uu dib u dhis ku sameynayo waddooyinka soo gala Magaalada Jowhar iyo dhismaha xarumaha lagu qaban doono shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Maamulka oo kaashanaya shacabka ayaa bilaabay dib u dayactirka waddooyinka muhiim ah iyo dhismaha halka lagu qabanayo shirka iyo meelo kale oo muhiim u ah martida ka qeybgalaysa shirka.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Abuukar Bacadle ayaa ku soo waramayaa in magaalada Jowhar ay ka socoto qaban qaabada ku aadan shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe tan iyo markii digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ahayd in gogosha lagu qaban doono Jowhar, halka magaalo madaxda dowlad goboleedka labada gobol ay noqoneyso degmada Buulo-Burde ee ka tirsan Gobolka Hiiraan.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar