Warmoley
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo maanta xilka la wareegayo

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar daba-geed ayaa maanta la wareegaya xilka, kaddib markii dhawaan uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaban qaabada munaasabadda uu xilka kula wareegayo Yuusuf Daba-geed ayaa iminka ka soconeysa xarunta degmada Beledweyne, kaasi oo ay ka soo qeyb galayaan maamulka goblka, kan degmada, saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada Beledweyne ku sugan.

Guddomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolka Maxamed Ibraahim Cabdullaahi ayaa la filayaa in uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyo guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa horey u balan qaaday in uu la imaan doono isbadal dhab ah, isla markaana uu xoogga saari doono arrimaha dib u heshiisiinta iyo xoojinta amniga gobolkaWaxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar