Warmoley
Munaasabad lagu xusayay dhalashadi Nabigeena Muxamad oo lagu qabtay Cadaado+Sawirro
Munaasabadda lagu xusayay dhalashada nabigeena NNKH ayaa xalay lagu qabtay masjidka Jaamaca ah ee magaalada Cadaado, waxaana ka qayb galay culumaa’udiin iyo boqollaal dadwayne ah oo Rag iyo Dumar isugu jiray.
Culimada ayaa masjidka ka jeedisay Muxaadarooyin ku saabsan siirada Rasuulka NNKH iyo taariikhda Islaamka, waxaana sidoo kale laga qaadayay masjidka Qasiidooyin nabi ammaan ah.
Sh. Xasan Diini Xuseen oo ka mid ah Culimada ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah looga baahanyahay inay bartaan diintooda, taas oo xal u noqon karta mushkilado badan oo maanta wadanka ka taagan.
Sh Maxamed C/allahi Maxamed ayaa isna sheegay in munaasabaddan loo qabtay si dadwaynaha loo baro Siirada Nabigeena NNKH, taas oo arrin muhiim ah oo aan laga maarmin.
Sanad waliba marka la gaaro Bisha Rabiicul-Awal ayaa waxaa la qabtaa munaasabado lagu weyneynayo dhalashada Nabigeena NNKH iyo dadaalkii adkaa ee loo soo maray faafinta diinta Islaamka.
0e2a2cb4-7464-42fd-801f-434c28347f142a04324f-6ae4-4961-875a-ebed390f59347bc25210-fc10-4689-b00f-51cde5dca0c38a76ff41-4111-49c8-ab9f-0544a65f156e8a729263-65dd-493a-8bd6-e57a7f016cac99dfdf09-22b6-4104-bd4d-db37a190e5a74552a451-0395-4b7a-aabd-88ef11ba6d75814317ee-2434-4006-ac7e-8e571a3f9d3ab7f352c1-0c9a-45c5-af36-4e064e639d88b9035c50-08b9-4ca4-bae7-a59c2725f653d753e573-f37b-4e7a-95d1-ce21460faf6ddeca3e12-b052-4c8d-bf3a-68f8b77637bd
Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar