Warmoley
Dhismaha wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo laga saaray dadkii deganaa-Sawirro

Aroortii hore ee maanta ayaa la bilaabay burburinta, ka rarista dadka sida sharci darada ah ku daganaa dhismaha wakalada Filimada Soomaliyed ee ku taala degmada Xamar-Weyne ee gobalkaan Banaadir,intii ay socotay howshan waxaa goobta soo gaaray agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska,Soomaaliya, Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliska gobalka Banaadir, iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska .

Dhismaha wakalada Filimada Soomaaliyed oo mudo ka badan shan iyo labaatan sano si gaar ah u daganaa ayaa sida la sheegay horay u helay digniino ku aadan iney ka guuraan goobta.

Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliska gobalka Banaadir sareeyo guute Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ka warbixiyay sida ay ku bilaabatay howshaan isagoo dhinaca kale digniin u diray dhamaan dadka dagan goobaha danta guud.

Agaasimaha guud ee wasarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska,Soomaaliya mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) ayaa u mahadceliyay ciidanka booliska ee howshaan qabtay isagoona xusay in wasaradu ay u baahantahay dhamaan goobihiii ay laheyd si loo howlgaliyo.

vlcsnap-2015-12-24-11h54m08s205vlcsnap-2015-12-24-11h54m35s216vlcsnap-2015-12-24-11h55m04s0vlcsnap-2015-12-24-11h55m18s141

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar