Warmoley
Wasiirka amniga gudaha oo la kulmay dhigiisa Masar

Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Masar Magdy Abdel Ghaafar ayaa xafiiskiisa magaalada Qaahira ku qaabiley wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya ayagoo ka wada hadlay arimaha la dagaalanka argagaxisada sida ay soo warisay majalada Al-Ahram ee dalkaasi ka soo baxda.

Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed wasiirka amniga gudaha ayaa dhigiisa u muujiyay sida laamaha amniga ee Soomaaliya ay ugu faa’ideysan karaan khibrada ay leeyihiin kuwa dalka Masar.

Labada dal Soomaaliya iyo Masar ayaa dagaal kula jira maleeshiyaad maxali ah oo aaminsan afkaarta argagaxisnimada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jira maleeshiyaadka ururka Al-Shababkuwaas oo dhibaato xoogan ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Masar ayaa dagaal ku jirta muddo 10 sano ku dhow maleeshiyaad ka soo horjeeda xukuumadda dalkaasi ka aramisa kuwaas oo ka dagaalama waqooyiga jaziirada Siinaa, waxaana dagaalkaasi uu xoogeystay labadii sano ee la soo dhaafay markii ay ciidanka dalka Masar ay afgembiyeen madaxweynihii dalkaasi Maxamed Mursi.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar