Warmoley
Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

Kulankan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka booliska ayaa ahaa mid mahadcelin ah oo loo jeedinayay qaar ka mid ah saraakiisha booliska eegacanta ka geystay hab maamuuskii loo sameyay ciidanka booliska, gaar ahaan xuskii 72 guruurada ka soo waregtay aas aaska ciidanka booliska oo 20-kii bishan lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka ayaa mahadcelin loo jeediyaysaraakiishii ciidanka booliska ee sida hagaansan uga qeyb qaatay xuska maalinta ciidanka booliska, waxaana saraakiishu ay si wadajir ah isugu raaceen in munaasabadda ay ku soo idlaatay guul.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska ahna kusimaha taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa bogaadiyay sida wanaagsan ee ay u guteen saraakiisha ciidanka booliska hab maamuuskii 72guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska, waxaana uu ciidanka ka codsaday inay xoojiyaan howlaha amniga lagu sugayay.

20-kii bishan ayaa Muqdisho iyo qaar kamid ah gobollada dalka si weyn looga xusay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed 20-kii December ee sanadkii 1943-kii oo ku beegneyd 20-kii bishan.

vlcsnap-2015-12-22-12h08m48s21vlcsnap-2015-12-22-12h08m57s113vlcsnap-2015-12-22-12h09m20s83vlcsnap-2015-12-22-12h09m31s193vlcsnap-2015-12-22-12h09m38s14vlcsnap-2015-12-22-12h09m47s101vlcsnap-2015-12-22-12h09m57s193

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar