Warmoley
Taariikh nololeedkii Prof.Omar Sheik Osman
Taariikh nololeedkii  Prof.Omar Sheik Osman Prof. Omar Sheik Osman Prof Omar Sheik Osman waxaa ku dhashey - sanadkii 1939 ku dhashey Degmada Afgooye, waxaa uu Qur'aan ku bartey tuulada Beled-Alamin ee Degmada Wanle Weyn, Dugsigiisii hoose dhexe wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, kii sii sarena wuxuu ku dhameestey Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Prof. Omar Sheik Osman
Prof Omar Sheik Osman waxaa ku dhashey - sanadkii 1939 ku dhashey Degmada Afgooye, waxaa uu Qur'aan ku bartey tuulada Beled-Alamin ee Degmada Wanle Weyn, Dugsigiisii hoose dhexe wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, kii sii sarena wuxuu ku dhameestey Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Waxbarashadiisii.Jaamacadeed waxa uu ka billaabay isla magaalada Qaahira wuxuuna ka qalin jebiyey kuliyadda sharciga, asagoo Magaalada Torino ee dallka Talyaanigana ku qaatay Shahaadada PHD ee sharciga:, horay ayuu u sii watay waxbarshadiisii Jaamacadeed wuxuu dalka Faransiiska ku bartey Siyaasadda ilaa uu ka gaatay Shahaaddada PHD.

Sanadkii 1968-dii ayuu wadanka ku soo laabtay Wadankiisa Hooyo Somalaia, si uqeyb qaato hormurka Wadankisa Dhanka, Nabada, Xaqul-Insanaka iyo demogarasiyada.

Sanadka kadib markii uu xukunka la wareegay Siyaad Barre uuna arkay in Prof-ka fikaradaha uu Wato ay yihiin kuwo ka hor imaanaya mabadidisa uu watay, ayuu ku xareyay xalane si wagtiga halkaas looga dilo, wuxuu ku xareysnaa halakaas, 3 sanno.

Sanadkii 1974-kii oo ahaa xilligii ururka OAU-da lagu gabanayay Magalada Muqadhisco ayaa bannanka loo soo saaray Prof-ka si uu shirkaas uga qayb galo, wixii waqtigaas ka dambeeyey wuxu ka howgalay Wasaaradda Arrimha Dibadda.

Prof.Omar waxaa loo bedeley Safarda Somalia dalka Jabuuti waxuuna qeyba Libaax ah ka qaatey Xoriyadii Dawlada Jabuuti. kaddibna waxaa loo warejiyey ee Safiirada Soomaaliya dalka Saambiya meesho aad u shaqeyey la dagalanka Xokumadii Midabtookoorka South Africa, waxowna ka shaqeyey Xoreynyta Rodisia(Zimbawi) iyo Namibia waxuuna gacan weyna siiyey Jabahadihi Gubonimadoonaka ee Koonfur Africa, Rodisia, Afgola iyo Namiya.

Prof.ka wala dalacsiyey waxaa loo bedeley Jeneva.UNka Jeneve waxuu aad difacey Xuquqaha Umadaha dulmiyey ka mid ahayeyn Plastin. Kadib waxaa loo soo warejey Safarada Somaliyeed ee Fransiska Magaalada Paris.Intuu uu halkaa joogay ayay waxay is qabteen Asaga iyo dawladi Marakaas ka jirtey Somalia, waxeyna isku qabtey Cadalad darada iyo Dulmiga lagu xaayey Umada Somaliyed Qeyb ka mid ah. Dulmigaaso Mid ahaan Boob dhul,ku hadgudub Xoqul insaanka , iyo Barakicin lagu xayey Umada degta Gobolada Koonfureed.
Prof.ka si cad oo gabasho leheen ugu sheegey Dawladi Siyaad Bare in Joojiyaan dhibka ya ku xayeen Umadaas;(Digil iyo mirfle, Jareer weyne, Banadir, Bajuuni iyo Biyamaal).

Prof.Omar waxuu yiri," waxaan usoo dagaalamey Xuquuqda Umadaha la dulmiyey ay midyihiin, Jabuuti, South Africa, Zimbawe, Namibia , Angola i.w.l. , ma ogolaan karo in Ummadeyna in galiyo gumeysi Qabiil ,laguna sameyo Isir nadifin, lana boobo Dulkooda lana bahdilo sharaftoo, taasi mid dhici karto ma ahin"

Waxuu noqdey Somalia waxa lagaliyey Xabis guri, kadiba Wuxuu ka hawl galay Jaamacadda Ummada, balse markuu uu xorriyad taam ah uu u heli Waxaayey hawshiisaas ayuu shaqadii ka fariistay, wuxuu guda galay sidii uu dalka ugu bixi lahaa.

Waxaa maskaxdiisa ka guuxayay , Dulmiga lagu xayeyey Umadiis.wuxuu qo'aansadey inuu sameeyo urur u gaar ah Qowmiyda konfurta degto wuxuu billaaby in uu safarro ku ku kala bixiyo waddamada caalaanka qaarkood si uu ula soo kulmo Agoonyahannada Umada konfureed ugana Dhaadhiciyo ra'yigiisa , wuxuu safarro ku kala bixiyey waddamada Carabta, Swetzarland, Talyaaniga, Faransiiska, Maraykanka, Bakistan iyo Hindiya waxayna . Aqoonyahannadii ay ku wada raceen n ra`yigiisa.

Sanadkii 1987-kii ayuu abaabulay shirweyne Umada koonfurta degto Aqoonyabannadooda isugu yimaadaan wuxuuna ka dhacey Abu Dabia, waxaana lagu aasaasay Ururkii SDM matal-ayay dhammaan Qowmiyadda konfurta fadhigiisa loo doortay Magaalada Jeddah.

1991 ayuu dalka ku soo laabtay, bil ka diibna shirkii jabuuti ayuu ka qeyb galay markii ku soo Iaabtayna wuxuu la wuxuu la kulmay dhibatooyinka xoog le oo lagu hayey Qowmiyada Digilmirfle oo ah Xasuuq iyo isir nadifin ay ku xateyn, Qowmiyado kakala yimid Gobolada dhexe iyo Bari.
Wuxuu i istaagey in xooga iyo maskaxda Qowmiydiisa uu meel sugu keeno si ay dhulkooda ugu kiciyaan ciidamadii Siyaad Barre, wuxuu markiiba dib u habayn ku sameeyey ururkii SDM, Guddoomiye loogu doortey asaga.

Asagoo ku howlan Badbada Ummadiisa, ayow dhintey 21/11/1911. Dilkisna waxaa danbeyey kuwii didana Ummada Konfurta degto in la badbadiyo. Xiilgan la jogana Qowmiyadda Koonfurta waxay u baahan tahay hogaamiye xoogooda iyo maskadooda meel isugu keena si ay danahooda u qabsadaan, una sameestan mamul goboleedkooda ee lixda gobol.

Qore.
Dr.Mayow Idow
Janaale
Gobolka Shabeelada Hoose-Somalia