Warmoley
Cali Guudlaawe oo si diiran usoo dhaweeyay in Jowhar lagu qabto shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe
Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo dhoweeyay wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo aheyd in magaalada Jowhar ay marti gelineyso shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Mr Cali Guudlaawe ayaa sheegay in si niyad sami leh ay shacabka Gobolka Shabeellaha Dhexe u soo dhoweynayaan go’aankaas, isagoo ku tilmaamay inay mudneyd in Jowhar loo xusho marti gelinta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan soo dhoweynayaa go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku gaaray in magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ay marti geliso shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waa ku faraxsanahay, wuxuu ahaa go’aan geesinimo leh, shacabka gobolkana aad ayay ugu riyaaqeen”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.








Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee gobolka ay ka jirto nabad la isku haleyn karo, isagoo uga mahad celiyay shacabka reer Jowhar iyo kuwa gobolka inay kala shaqeeyaan maamulka iyo hey’adaha ammaanka sugida ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan ergooyinka iyo mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta, isagoo xusay in magaalada Jowhar ku caan tahay marti soorka wafuuda.

“Magaalada Jowhar waxay ku caan tahay marti soorka iyo soo dhoweynta wafuuda, waxay shacabka Gobolka Shabeellaha Dhexe si diiran u soo dhoweynayaan ergooyinka imaanaya magaalada”ayuu yiri Guddoomiyaha oo ugu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan soo dhoweynta martida u imaaneysa.

Waxaa uu sheegay in magaalada Jowhar sanadkii 2005-tii ay marti gelisay dowladdii KMG ee lagu soo dhisay Mbagathi ee uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isla markaana ay noqotay xaruntii KMG ee dowladda.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dadaal u galay diyaar garowga marti gelinta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la dhisay xarumo la dejiyo ergooyinka, hoolal shirar, waxaana dhowaan dib u dayactir lagu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar