Warmoley
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo balan qaaday in uu ka shaqeyn doono cadaaladda

Guddoomiyaha cusube ee gobolka Hiiraan ayaa balan qaaday in uu la imaanayo isbadal dhinaca Maamulka oo uu wax kaga qabanayo baahida bulshada Gobolka ku nool.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar daba-geed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarka gobolka, waxaana uu bulshada ugu baaqay inay noqdaan kuwa ka shaqeeya amniga, isla markaana wax la qeyb sada bulshada kale.

“Waxaa ii qorsheysan in aan si cadaalad ah ugu adeego bulshada gobolka ku nool, waxaana ka codsanayaa in shacabka gobolka ay noqdaan kuwa isku xiran oo mideysan, isla markaana ka qeyb qaata dhismaha maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay in uu guddoomiyaha gobolka Hiiran noqdo Yuusuf Axmed Hagar, iyadoo ay u noqoneyso markii labaad ee uu qabto xilka Guddoomiyaha Gobolka HiiraanWaxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar