Warmoley
Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha islamarkaana lagu magacaabay gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Radio Muqdisho ayaa u qorneyd sidan.

XEER MADAXWEYNE LR. 87 TAARIIKH: 19/12/2015

MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN

MADAXWAYNAHA J.F.S

MarkuuArkay: Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee

Dastuurka J.F.S.

MarkuuArkay: SharciLr. 116 eesoobaxayOgosto 6, 2013 kunasaabsansharcigamaamullada

DegmooyinkaiyoGoballadadalka

MarkuuTixgaliyey: Soo jeedintaWasiirkaArrimahaGudahaiyoFederaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee

December 19, 2015 kunasaabsanxilkaqaadisGuddoomiyahaGobalkaHiiraaniyo Soo

jeedintaWasiirkaArrimahaGudahaiyoFederaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee

December 19, 2015 kunasaabsanmagacaabisGuddoomiyahaGobalkaHiiraan

MarkuuGarwaaqsaday: in ay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Guddoomiye cusub iyada

oo waafaqsan qaabka dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinlkadalkasi ay

mustaqbalka u dhismaan Dowlad-goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudaneYuusuf Axmed Hagar (Dabageed)loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan

Qodobka 2aad

Waxa uu Xeerkaan u dhaqangelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda JFS.

MUQDISHO: 19/12/2015

Madaxweynaha J.F.S

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar