Warmoley
Muxsiniin Soomaaliyeed oo kaalmo lacageed gaarsiiyay Maryan

Muxsiniin Soomaaliyeed oo gudaha iyo dibadda kala jooga ayaa deeqdan soo gaarsiiyay Maryama Abuukar Jimcaale, waxeyna gaareysaa $10,000 toban kun dollar,

Mahad Qoorgaab ayaa loo soo wakiishay in deeqdan uu soo gaarsiiyo Maryan oo ah gabar xanuunsan oo uu hayo cudurka kansarka, waxaana dhaqaatiirtu ay sheegeen in xanuunka Maryama uu yahay Kansar ka asiibay xubnaha sare ee jirkeeda gaar ahaan Sanka iyo Isha midig, waxaana loogu baaqay dhamaan bahweynta Soomaalida iney gacan ka geystaan sidii inantaan sabab loogu naqan lahaa badbaadaneeda.

Hooyo Nimco Cusmaan Tifow ayaa ka mahadcelisay deeqdaan iyo kuwii ka horeeyay ee xarumaha waxbarashada iyo dhamaan dadkii kale ee Soomaaliyeed ay soo gaarsiiyeen inanteeda.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa kal hore bulshada Soomaaliyeed baaq u mariyay Warbaahinta Qaranka, kaasi oo ku saabsanaa in gar gaar dhinac waliba leh loo fidiyo Maryan Abuukar Jimcaale, taasi oo ay ka soo jawaabeen qeybaha bulshada, inkasta oo ay u baahantahay kaalmo caafimaad oo dibadda ah, maadaama xanuunka haya aan gudaha dalka wax looga qaban karin.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar