Warmoley
Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna “Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada“

Stockholm, December 20, 2015 – Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa fariin hambalyo ah u diray ciidanka Booliska Soomaaliya sanad guurada 72-aad ee ka soo wareegatay markii la aas’aasay oo ku beegan maanta oo kale December 20 .

Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna isagoo ku sugan dalka Sweden, ayaa yiri “ Waxaan halmalyo qiimo leh u dirayaa Sareeyeyaasha, Saraakiisha , Kormeerayaasha , Saraakiil xigeenka , Alifleyda ,Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , xaasaskooda iyo inta nabadda jecel” .

yihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya waxa uu xusay in Boolisku uu yahay saldhigga laga unkay ciidamada kala duwan ee Qarankeenu ku faano ,taasina ay caddeyn u tahay kartida iyo waxgalka Saraakiishii dhidibada u taagtay , isagoo Allah uga baryay inuu Jannada geliyo geesiyaasha Booliska ee naftooda ku waayay ilaalinta amniga Qaranka iyo difaaca muTali Soomaaliyeed

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar