Warmoley
Golaha Wasiirrada Galmudug oo isku raacay dhaqan-galinta qodobadii lagula dagaalamayay Isbaarooyinka “Dhageyso+Sawirro”

Xarunta Madaxtooyada magaalada Cadaado waxaa maanta ka dhacay shirkii caadiga ahaa ee Khamiis walba yeelan jireen Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxaana shirka maanta shir guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi.

Shirkaan oo saaacado qaatay ayaa markuu soo dhamaaday waxaa Saxaafada ugu warbixiyay Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Iyo Howlada Hoose Cumar Maxamed Diiriye Cumar Guureeye waxuuna sheegay inay ugu horeyn Wasiirad walba ay ka hadashay Waxbqadkii ugu dambeeyay ee sameysay iyo talaabooyinka ay qaadeen Wasiirada Wasaaradaasi oo laga dhageystay, kadibna waxuu sheegay inay Golaha Wasiirada galeen Dood dheer oo looga doodayay dhinacyada Amniga, Cadaalada iyo Dhaqaalaha Galmudug.

Dood iyo Falanqeyn dheer kadib waxuu sheegay inay Golaha Wasiirada isku raaceen in la dhaqan-galiyo qodobo 11-11-2015 shir Golaha Wasiirada ku yeesheen Madaxtooyada Gaalkacyo oo ku saabsanaa dhinaca amniga oo kala ahaa

1. In guud ahaan deegaanada Galmudug ay mamnuuc ka tahay Isbaaro ama Jidgooyo la dhigto.

2. In Isbaaradii ama Jidgooyadii deegaanada Galmudug meel kamid ah lagu arko ay ciidamada dowlada Galmudug amar ku qabaan inay la dagaalamaan maleeshiyada dhigata.

3. In khasaaraha Naf iyo Maal ee ku yimaada Maleeshiyada Isbaarada dhigata inaan masuul ka aheyn dowlada Galmudug.

4. In Hubka Iyo Gaadiidka lagu qabsado Isbaarooyinkaasi ay la wareegayso dowlada Galmudug.

Ugu dambeyntii Wasiir Cumar Maxamed Diiriye Cumar waxuu sheegay inay talaabooyinkaasi lagu qaadayo Isbaarooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan ay u galayaan ciidamada dowlada Galmudug loona qaadayoIsbaarooyinka.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar