Warmoley
Wararka Dibada: Maraakiibta Ruushka oo Rasaas Ku Riday Markab Laga Leeyahay Turkiga

Dowlada Turkiga ayaa digniin kasoo saartay rasaas la sheegay in Maraakiibta dagaalka ee Ruushka ku rideen Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo marayey badda Aegean, Axadii lasoo dhaafay.

Turkiga ayaa falkan ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan doonin waxayna u yeereen Wakiilka Safaarada Ruushka ee Turkiga u qaabilsan arrimaha Militariga.

“Maaha Wax loo dulqaadan karo falkan uu Markabka dagaalka ee Ruushka rasaasta digniinta ah ku riday Doon kaluumeysi oo laga leeyahay Turkiga, waanu dooneynaa in la hagaajiyo xiriirka u dhaxeeya labada dal, balse Turkiga waa uu kasii dhamaanayaa dulqaadka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga Mevlut Cavusoglu.

Xiisada ka dhextaagan labada dal ayaa sii xoogeystay tan iyo intii uu Turkiga soo riday mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo mareysay xadka u dhaxeeya Siiriya iyo Turkiga.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar