Warmoley
Wafiga Dowladda iyo Maamulka Galmudug Ee ku sugan B/weyne oo Raja ka muujiyay xal u helida dagaalada halkaasi ka dhacay”Dhagayso”

Wafdigan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda dhexe iyo kan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay maanta gaareen magaalada B/weyn ee gobolka Hiiraan halkaas oo maalmahaan ay ka jireen dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawaca dad Rayid ah.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Mukhtaar Ibraahim ayaa Radio Muqdisho u sheegay isagoo kusugan Magaalada B/weyne in kulamo ay la qaateen Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ee dagaaalamay si ugu horayn xabadd joojin dag dag ah loo kala dhax dhigo maleeshiyaadkii dagaalamay,

Waxaana uu raja wanaagsan ka muujiyay in xal kama dambays ah laga gaari doono dagaaladaasi oo ku soo laalaabtay magaalada B/weyne ee gobolkaHiiraan.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar