Warmoley
Dowladda Koonfur Galbeed Iyo Ciidamada Amisom Qeybta Booliska Oo Ay Wada Saxiixsideen Qeybtii Labaad Ee Boolis Loo tababarayo Gobalada Koonfur Galbed

Ciidanka booliiska dowladda KGS iyo kuwa AMISOM ayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay baaritaanno caafimaad iyo kuw la xiriira jirdhiska ku mariyay 200 oo askari oo ka tirsan ciidanka booliiska Koonfur-galbeed Soomaaliya. Qeybtoodi Labaad

Ku Dhowaad 900 askari ayaa tababarkooda ciidannimo dhameystay bishii November ee la soo dhaafay ayaa Hadana Waxaa shalay la marinaayey baaritaanno caafimaad iyo kala doorasho, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, sida uu sheegtay kormeeraha booliiska AMISOM, Saalax Somalia oo hoggaaminayay ciidamada baaritaanka iyo kala xulashada sameynayay.

Askartan ayaa waxay qayb ka yihiin 600 oo askari oo la doonayo in loo tababaro Dowlada Koonfur-galbeed Somalia, kuwaas oo isugu jiri doona askar iyo saraakiil booliis.

Taliyaha ciidamada booliiska maamulka Koonfur-galbeed, Jen. Ibraahim Macallin Kutub ayaa uga mahad-celiyay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Beesha Calaamka gacanta ay ka geysatay taageerada ciidamada booliiska Koonfur-galbeed Somalia.

“Waxaan halkan jooga ciidan ka tirsan booliiska AMISOM iyo kuwa dowladda Somaila si ay baaritaanno ugu sameeyaan qayb ka mid ah ciidamada booliiska Dowlada Koonfur-Galbeed, kuwaasoo maraya heerkii ugu dambeeyay ee howlgalkii lagu tababaray,” ayuu yiri Jen. Kutub.

Sidoo kale, taliyaha ayaa rajo ka muujiyay in ciidanka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo ku dhaqanka sharciga deegaannada maamulkoodu ka taliyo, waxayna xoojin doonaan ciidamadii horay u shaqeynayay.

Kormeeraha guud ee ciidanka booliiska AMISOM, Salah Somalia oo isagana hadlay ayaa yiri. “Waxaanu baaritaan caafimaad marinnay 218-askari oo ay ka mid yihiin 22-haween ah. Waxaanan rajeynaynaa inaan haween intaan ka badan qorno, waayo xaaladdan oo kale waxaan u baahanahay haween badan oo noqda saraakiil si ay u caawiyaan haweenka iyo caruurta dhibaatooyinka loo geysto.”

Ugu dambeyn, tallaabadan baaritaanka iyo jimicsiga loogu sameeyay ciidanka booliiska Somalia waa qayb ka mid ah waajibaadka howlgalka booliiska AMISOM ay u joogaan dalka Somalia.



Waxaa Soodiyaariye Warkaani C.qaadir Xasan Jookar