Warmoley
Wiil 12 jir ah oo layiraahdoa Cabdi Caziiz Nur Adan ayaa lugtiisa waxay ugu go'dey Qarax bambaano
Wiil 12 jir ah oo layiraahdoa Cabdi Caziiz Nur Adan ayaa lugtiisa waxay ugu go'dey Qarax bambaano , sidaas daraadeed waxaa Maanta lacag loogu sameynayo Lug Macmal ah soo gaarsiiyey Dr. Aweys Cabd Jidle oo ku nool Australia ahna xiriiriyaha guud ee Naadiga NBB. Lacgataasi waxay Dhameyd 200 Dollar , taasoo loo soo marsiiyey Aqoonyahanada Koonfur Galbeed ka dib markay codsi ku saabsan arrinta wiilka u gudbiyeen qurba joogta reer Baydhabo. Waxaa goob joog ahaa aabaha dhaley wiilka 12 jir ah ee lacagta la gudoonsiiyey.
walaalkeena waxaan ilaahey Ugu baryeynaa inuu Caafimaad Buuxa ilaahey siiyo , Qayrna waafijiyo waayo ilaahey waxuu yiri U naxariiso Dadka ana waa kuu naxariisan

Waxaa Soodiyaariye Warkaani C.qaadir Xasan Jookar