Warmoley
WAA NOOCEE AQALKA LAGU KORIYO DHIRTA. (MAQAAL XIISO BADAN LEH).
Waxaad kusoo dhowaataan aklhristiyaasheena sharafta leh ee markasta ku xiran warbaahinta koonfurgalbeed waxaaad kusoo dhowaataan maqaal aan kaga hadlayno aqalka ama guriga lagu barbaariyo dhirta. Aqalkan waxaa lagu beeraa wax yaabo badan oo kala duwan sida cuntada lagu qaarkooda iyo geedaha qaarkooda sida geedaha ubaxa bixiya oo lagu barbaariyo aqaalkaan. aqalka dhirta lagu koriyo waxay leedahay faa’iidooyin badan waxaa ka mid ah wax soo saar ka sarreeya intii hore oo joogto ah hiktarkii walba taasoo micnaheedu uu ay tahay , ka badbaadidin dhibaatooyinka cimilada sida barafka iyo dabaysha, iyadoo ay yartahay la kulanka cayayaanka waxyeela dalaqyada iyo geedaha muhiimka ah. waxay ka ilaalisaa wax yeellada keena, qorax dabiici ah iyo hawo helid, xilliyada abuurka oo ka dheer intii hore, iyo biyo isticmaal intii hore ka dhaqaale badan, siiba meelaha abaarta ah ee aan wax ka bixin ama meelaha lamadeganka ah . haday mesha ay kuleeltahay waxaa lasameyaa mukayifaad ayaa laglinayaa loo isticmalayo koritaanka geedka aad beereyso oo aad uisticmalayso. waxaa muhiim ah in aad ogaano aqalka dhirta lagu koriyo inta uu la’eg yahay waxay ku xidhan tahay awoodda qofka wax beeranaya iyo kartidiisasyey kuxirantahay. Inta badan aqalada lagu koriyo dhirta Intooda badan waxay gaarayaan 8 illaa 30 mitir. Kuwo qaar way weyn yihiin kowona way yeryihiin waxay kuxirantahay qofka sameysanayo aqalka qaabka loosameynayo . Waxaa inta badan isticmaalada markii lafiiriyo wadama kala ah keyniya , itobiya,suudaan iyo wadamo kale oo badan oo aan inta lagu sookoobikarin. In ladhiso aqal lagu barbaarinaayo dhirta waa muhiim Waana wax fiican in loo sameyo aqal lagubeero dhirta iyo cuntada la cuno maxaa yeelay waxay door weyn kaqaataan kordhinta dhirta inshaa allah. Geedaha in badan ay u isticmaalan inlagu beero aqalka lagu koriyo ama lagu barbaariyo waxaa kamid ahna yaayada waxaad u isticmaaliktaa waqti aad doonto . Waana aqal muhiim ah fiican inuu sameysto qof walbo oo beeralay ah waxyaabo badan oo aan inta aan kusookoobikarin ayaad kafaa’idaysaa markaad sameysato . Aqalka dhirta lagu koriyo waxaa uu leeyahay muhiimad aad uweyn iyadoona aan hal maqal iyo labo midna aan lagu soo koobikarin intaa waa intii noosuurtagashay in aan isidin soo gudbiyo iyadoona laga sameyay qoralo badan oo ay sameeyeen dad badna oo kutaqasusay cilmiga beeraha. Waxaa Diyaariyey :Aadam Abdi ishak (Gentleman) Khabiir Dhinaca Beeraha iyo Deegaanka. Email: Aadamyare11@hotmail.com