Warmoley
HIBO NUURA OO DHOWR SANNO KADIB DIB UGU SOO LAABATAY MAGAALLADA MUQDISHO.

HIBO NUURA OO DHOWR SANNO KADIB DIB UGU SOO LAABATAY MAGAALLADA MUQDISHO.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya soo gaartay Fanaanadda Caanka ah ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Cuddon ( Hibo Nuura) oo si qurux badan garoonka Muqdisho loogu soo dhaweeyay.

Soo dhaweynta fanaanada ayaa waxaa ka qeyb qaatay Xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir iyo qaar kamid ah abwaanada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in tani ay muujinayso amniga caasimada oo sahlaya dib ugu soo noqoshada dalka Soomaaliya fanaaniinta,maadaama dalka horumaro kala duwan uu gaaray.

Fanaanada Hiba Nuura oo maanta Muqdisho kusoo noqotay ayaa dhankeeda sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay imaatinkeeda Magaalada Muqdisho,shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqday in mar un la heshiiyo si Soomaali ay uga faa’iideesato kheyraadka dalkeeda dhexyaala.

Waxaa xusid mudan in iyadoo Fanaaniinta caafimaadka qaba ee ka imaanaya dalka dibadiisa Garoonka Muqdisho ay kusoo dhaweeyaan Wasiiro iyo Xildhibaano,loona dhigo xaflado waaweyn oo qarash badan ku baxo,hadana Muqdisho uu ku xanuunsanayo fanaanka weyn Cabdi Tahliil Warsame oo aysan jirin cid Dowladda ka tirsan oo ka warqabta xaaladiisa.

Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame oo lagu xasuusto heeso badan oo qiiro gelinaya shacabka Soomaaliyeed ayaa hada ku aruuray sariir uu ku xanuunsanayo,isaga oo aan haysan daryeel caafimaad iyo qarash uu isku dabiibo.